GALMUDUG: Xiisad dagaal oo ka taagan degaan ka tirsan Galgaduud

GALMUDUG: Xiisad dagaal oo ka taagan degaan ka tirsan Galgaduud

Xiisadaan dagaal oo u dhaxeeysa laba maleeshiyo Beeleed ayaa Maanta ka taagan degaanka Turbi oo hoostaga Degmada Balanballe ee Gobolka Galgaduud.

Xiisada ayaa waxaa ay ka dambeeysay dilal aanooyin qabiil ah oo todobaadkaan ka dhacay halkaas iyo dagaalo soo laab laabtay oo ka dhacay degaanka Turbi.

Maalmo ka hor waxaa degaanka xiisadda ay ka taagan tahay lagu dilay laba Ruux oo Shacab ahaa, waxaana la sheegay in xiisad ka dhalatay dilkaas ay Maanta ka taagan tahay halkaas.

Dadka degaanka Turbi ayaa Warbaahinta u sheegay inay dareemayaan cabsi la xiriirta in dushooda lagu dagaalamo, isla markaana ay dhibaato kasoo gaarto.

labadii sano ee la soo dhaafay ayaa waxaa degaannada Galmudug kusoo batay colaad beeleedyada, iyada oo Madaxda Galmudug ay ku guul dareysteen inay waxka qabtaan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com