Muuse Biixi oo go’aamiyay doorashada Golaha Wakiillada & Deegaanka

Muuse Biixi oo go’aamiyay doorashada Golaha Wakiillada & Deegaanka

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu xeer Madaxweyne oo summaddiisu tahay Lr. 12/022021 uu maanta ku meel mariyey Cayimaadda maalinta Doorashooyinka Isku-sidkan ee Golayaasha Wakiillada iyo Deegaanka.

Wareegto uu soo saaray Madaxweynaha Soomaliland ee uu ku meel mariyay Cayimaadda maalinta Doorashooyinka Isku-sidkan ee Golayaasha Wakiillada iyo Deegaanka ayaa waxaa ay u qorneyd sidatan.

Markaan Arkay: Qodobka 42aad, Faqraddiisa 2aad ee Dastuurka Somaliland;

Markaan Arkay: Qodobka 6aad ee Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha, Xeer Lr. 91/2020;

Markaan Arkay: Qoraalka Komishanka Doorashooyinka ee summaddiisu tahay KDQ/XK/002/2021, kuna taariikhaysan 16/01/2021, ujeeddadiisuna tahay Cayimaadda Doorashada Golayaasha Wakiillada iyo Deegaanka ee 2021;

Markaan Arkay: Go’aanka Golaha Guurtida ee summaddiisu tahay Ref: GG/JSL/KC/G-01/02/2021, kuna taariikhaysan 02/02/2021, ujeeddadiisuna tahay Go’aanka Dib-u-eegista Muddo Xileedka Golaha Wakiillada Somaliland;

Waxaan Go’aamiyey;

In Doorashooyinka Isku-sidkan ee Golayaasha Wakiillada iyo Deegaanku ay ka dhacaan Somaliland Maalinta Isniinta ah ee ku beegan 31ka Bisha May 2021.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com