Diyaar garow loogu jiro shirka Dhuusamareeb

Diyaar garow loogu jiro shirka Dhuusamareeb

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa xilligaan ka socda diyaar garoowga furitanka shirka wadatashiga Madaxda dowladda & dowlad Goboleedyada & Gobolka Banaadir.

Magaalada Dhuusmareeb ayaa ku sugan Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxda dowlad Goboleed, Hir-Shabeelle Koonfur Galbeed, Jubbaland & Galmudug oo shirka marti-gelineysa halka saacadaha soo socda ay tegi doonaan Madaxweynaha Puntland & Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Shirka wadatashiga Madaxda dowladda & dowlad Goboleedyada ee Dhuusamareeb ayaa waxaa looga hadli doonaa xal ka gaarista muranka hareeyay heshiiskii doorashooyinka dalka ee la gaaray 17-kii Sebteembar ee 2020.

Sidoo kale wararka aan heleyno ayaa waxaa ay sheegayaan in shirka looga hadli doono khilaafka u dhaxeeyay Madaxda dowladda & dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland, kaas oo hakiyay wada-shaqeynta labada dhinac.

Ammanka Magaalada Dhuusamareeb ayaa aad loo adkeeyay, waxaana wadooyinka iyo xaafadaha qaar lagu arkayaa Ciidamada dowladda & kuwa Galmudug oo amniga siweyn u xaqiijinaya.

Xubnaha Midowga Musharixiinta Mucaaradka ayaa qoraal ay shalay shirka kasoo saareen ayaa waxaa ay ku dalbadeen in la ballaariyo lagana qeyb-geliyo Midowga Musharixiinta ,Ururada Bushada rayidka iyo saamileyda siyaasadeed ee dalka wallow aan qoraalkooda laga jawaabin.

Shacabka Soomaaliyeed & xubnaha Beesha Caalamka ee taageerada siiya Soomaaliya ayaa waxaa ay isha ku hayaan shirka Magaalada Dhuusamareeb oo la filayo in Go’aan looga gaaro arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com