MUQDISHO: Midowga Musharaxiinta oo beesha Caalamka u gudbiyay talobixin ku saabsan qabashada doorashada

HomeWararka

MUQDISHO: Midowga Musharaxiinta oo beesha Caalamka u gudbiyay talobixin ku saabsan qabashada doorashada

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa u direy qoraal digniin iyo talobixin ah beesha caalamka taasoo ku saabsan sidii loo qaban lahaa doorasho heshi

Ciidamada dowladda oo howlgal ka sameyeey Muqdisho (dhegayso)
Jubbaland oo Adkaysay Ammaanka Deegaamadeeda Digniina Soo Saartay (dhegayso)
Guddi xaqiiqo raadin ah oo loo diray xadka Soomaaliya & Kenya

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa u direy qoraal digniin iyo talobixin ah beesha caalamka taasoo ku saabsan sidii loo qaban lahaa doorasho heshiis lagu yahay oo ka dhacda dalka Soomaaliya.

Qoraalkan ayaa lagu xusay in loo baahan yahay guddi doorasho oo dhammaan dhinacyada ay quseyso ay ku qanacsan yihiin iyadoo lagu sheegay qoraalka in goluhu uu diyaariyay xubnaha guddiga farsamo ee laga saarayo guddiga.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu baaqay in ay kulmaan guddoomiyaha golaha sare iyo oday dhaqameedyada ka soo jeeda Somaliland ayna soo xulaan guddiga farsamada ee doorashada xildhibaanada ka soo jeeda Somaliland,laguna qabto doorashada labada gole ee xildhibaanada Somaliland Xalane iyadoo ammaankana ay sugayaan ciidamada AMISOM.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: