Dowladda Itoobiya oo gacanta ku dhigtay Saraakiisha TPLF

HomeWararka

Dowladda Itoobiya oo gacanta ku dhigtay Saraakiisha TPLF

Dowladda Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku soo dhigeen saraakiil ka tirsan jabhadda TPLF oo ay ku jiraan xubnaha aas aasayaasha Jabhadaas

Xildhibaannada labada Aqal oo Maanta ka doodaya waxka bedelka Dastuurka dalka
Ciidanka dowladda oo la wareegay gacan ku heynta degaanka Masjid Cali Guduud
Warka Caweysin, Maxamed Maxamuud Jaamac, Daljir Garoowe (dhegayso)

Dowladda Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku soo dhigeen saraakiil ka tirsan jabhadda TPLF oo ay ku jiraan xubnaha aas aasayaasha Jabhadaas.

Howlgal Ciidamada Difaaca Qaranka Itoobiya ka sameeyeen deegaanada buuraleyda ayaa waxay ku dileen xubno sarsare ka tirsan TPLF, iyagoo qabtay dhowr xubnood.

Madaxa howlgelinta Ciidanka Itoobiya Brig. General Tesfaye Aylwe ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay Madaxweynihii hore ee deegaanka Tigray Abay Woldu, Dr. Abraham Takese oo sidoo kale ahaa Madaxweyne kuxigeenkii hore.

Sidoo kale ragga la qabtay oo todobo xubnood ahaa ayaa waxaa ku jira Getachew Tafara oo ahaa Madaxii Xafiiska Madaxweynaha ee nabadda iyo amniga deegaanka Tigray.

Dowladda Itoobiya ayaa sidoo kale sheegtay inay baadigoobeyso saraakiil sar sare oo ka tirsan TPLF oo qaarkood lacago la dul dhigay madaxooda, waxaana ragga la raadinayo ka mid ah Madaxweynihii Dowlad deegaanka Tigray.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: