Madaxweynaha Puntland oo daahfuray olaalaha qof & Fuusto

Madaxweynaha Puntland oo daahfuray olaalaha qof & Fuusto

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay Ololaha Qof iyo Foosto oo daamur loogu ururinayo dhameystirka Waddada Ceeldaahir-Ceergaabo.

Madasha ayaa lagu ururiyey kumanaan Foosto oo Daamur ah, Iyadoo Wasaaraddaha Iyo Hay’addaha kala duwan ee Dowladda ay ku deeqeen tiradii ugu badneyn ee daamur ah.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa muujiyey muhiimada ay Puntland u leedahay Waddada Ceeldaahir-Ceergaabo, wuxuu ku dhawaaqay in marka qaaraan ururintu soo dhammaato, ay dowladdu dhameystirayso oo bixinayso wixii soo hara.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Guddoonka Baarlamanka Dowladda Puntland, Goleyaasha Dowladda, Aqoonyahano, Waxgarad, Ganacsato, Culimo iyo qeybaha kale ee Bulshada.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com