Guddoomiyaha Barlamaanka Puntland oo ka qayb galay olaalaha qof & fuusto

Guddoomiyaha Barlamaanka Puntland oo ka qayb galay olaalaha qof & fuusto

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril oo uu wehliyo ku xigeenka 1aad Hon. Abdiaziz Abdullahi Osman ayaa ka qeyb galay Shirweynaha Dhaqaale Ururinta dhammeystirka Waddada Ceeldaahir ~ Ceerigaabo.

Guddoomiyaha ayaa Shirweynaha dhaqaale ururinta waxaa kala qeyb-galay Madaxweynaha Dawladda Puntland Mudane Siciid Cabdullahi Deni, Xildhibaan, Wasiiro, Isimo, iyo qeybaha kala duwan ee dadweynaha reer Puntland.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa ku deeqay 100 fuusto, Guddoomiye ku xigeenka 1aad Cabdicasiis Cabdullaahi Cusmaan 20 fuusto, Guddoomiye ku xigeenka 2aad Ismaaciil Maxamed Warsame 20 fuusto, 16 Xildhibaan ayaa mid walba ku deeqay 2 fuusto, tiradoodina tahay 32 fuusto, Xil. Cabdirisaaq Maxamed Sahal ( Macoow) 10 fuusto, Xil. Cabdiraxmaan Muuse Jaamac 10 fuusto.

Dhinaca kalena, Hawl-wadeenadda Golaha Wakiillada DPL ayaa ka qeyb-qaatay dhaqaale ururinta Xoghayaha Guud Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Xiddig Warsame ayaa ku deeqay 10 fuusto, Agaasimaha Maamulka Cabdiqaadir Cabdiraxman Maxamed ( Cadnaan) 10 fuusto, Agaasimaha Hab-maamuuska Axmed Soomaali 10 fuusto.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mundane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa u mahadceliyey dhammaan dadkii ka qeyb-qaatay dhaqaale ururinta Waddada Ceel-daahir- Ceerigaabo.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com