Kisaaskii ugu horeyeey ee COVID-19 Cusub oo dalka Maraykanka laga helay

Kisaaskii ugu horeyeey ee COVID-19 Cusub oo dalka Maraykanka laga helay

Wararka ka imanaya dalka Maraykanka ayaa sheegaya in kiiski ugu horreeyay oo la xiriira nuuca cusub ee cudurka COVID-19 ee maalmahan ka jiray dalka Ingiriiska, ayaa shalay marki ugu horreysay laga helay dalka Mareykanka.

Qofka laga helay fayraskan ayaa ah nin dhalinyaro ah oo ku jira da’da labaatameeyada, waxana hadda lagu karantiilay dhinaca koofurbari ee magaalada Denver.

Sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka, wiilkani ayaanan u safrin meel ka baxsan Mareykanka.

Sheybaarka Waaxda Caafimaadka gobolka Colorado ayaa xaqiijiyay kiiska cusub ee la xiriira cudursidahan. Sheybaarka ayaa arrintani ogeysiiyay Xarunta Kahortagga iyo Xakameynta Cudurrada ee dowladda Federaalka Mareykanka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com