Ciyaartooydii Koonfur galbeed oo shalay la dhaawacay & Dowladda oo ka haddashay

Ciyaartooydii Koonfur galbeed oo shalay la dhaawacay & Dowladda oo ka haddashay

Qaar kamid ah Ciyaartoyda ka socotay Maamulka Koonfur Galbeed ee ka qeyb galayay tartanka Kubadda Cagta Maamul Goboleedyada & Gobolka Banaadir ayaa la dhaawacay, kadib kulankii laga badiyay oo ay la yeesheen Ciyaartoyda Gobolka Banaadir.

Ilaa lix Ciyaaryahan oo ka tirsan xulka Koonfur Galbeed ayaa la dhaawacay, kadib markii Gaari Bas ah oo ay saarnaayeen dhagxaan lagu weeraray, waxaana falkaasi ka hadashay Dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Xamsa Saciid Xamsa ayaa waxa uu falkaasi ku tilmaamay in uu aad uga xun yahay lana aqbaleyn.

Waxa uu Alle uga baryay in uu caafimaad deg deg ah siiyo Cayaartooyda xulka Koonfur Galbeed ee ay waxyeelada soo gaartay..

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com