Madaxweynaha Puntland oo maamul u magacaabay degmadda Bali-dhidin

Madaxweynaha Puntland oo maamul u magacaabay degmadda Bali-dhidin

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Lambar Lr-48 ugu magacaabay degmada Balli-dhiddin Guddoomiye iyo Guddoomiye Ku-xigeen ku-meel-gaar ah.

Madaxweynaha maamlka Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda shaqo.

Markuu garowsaday: in ay dhammaatay mudo xileedkii Golaha Deegaanka Degamadda Billi-dhiddin, walinna aysan suurto gelin in la dhiso Gole deegaan oo cusub.

Markuu tixgaliyey: Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyeynta Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

Waxaa Maxamed Axmed Muumin si ku-meel-gaar ah loogu magacaabay Guddoomiyaha Degmada Balli-dhiddin.
Waxaa Cabdiqani Maxamuud Ciise si ku-meel-gaar ah loogu magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka Degmadda Balli-dhiddin.
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com