RW Rooble oo Madaxda Puntland kula shiray Garoowe

RW Rooble oo Madaxda Puntland kula shiray Garoowe

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa magaalada Garowe kulan kula yeeshay Madaxweynaha dowlad-gobolleedka Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweyne ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan (Karaash).

Kulanka oo uu sidoo kale ka qeyb galay Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee dowladda FS Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa looga hadlayaa arrimo ay ka mid yihiin wada shaqeynta dowladda Federaalka ah iyo Puntland, Arrimaha doorashooyinka iyo qodobbo kale.

Kulankan ayaa qeyb ka ah kulamo wadatashi ah oo uu Ra’iisul Wasaaruhu la yeelanayo Madaxda Dowlad Gobolleedyada dalka, si wadajir loogu wajaho dowlad dhisidda Soomaaliya iyo xoojinta iskaashiga.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com