Muqdisho: Midowga Musharixiinta oo war ka soo saaray xaaladda Baladweyne

Muqdisho: Midowga Musharixiinta oo war ka soo saaray xaaladda Baladweyne

Golaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa ay War kasoo saareen xaalada ka taagan Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, iyaga oo ku baaqay in xal laga gaaro arrimaha ka taagan Maamulka Hir-Shabeelle.

Qoraal kasoo baxay musharixiinta Madaxweynaha Soomaliya ayaa waxaa lagu sheegay in ay walaac xoogleh ka muujinayaan xasilooni darrada ka jirta gobolka Hiiraan gaar ahaan magaalada Beledweyne, waxaana sheegeen inay abuurtay dowladda Soomaaliya gaar ahaan Madaxweyne Farmaajo iyo Taliyaha NISA Fahad Yaasiin.

Sidoo kale Golaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha ayaa qoraalkooda waxaa ay ku sheegeen in halkii hogganka dalka uu abuuri lahaa naabdeyn Beelaha walaalaha ah ee Hir-Shabeelle uu ku howlan yahay kicinta & kala qeybinta Beelaha Gobolka, waxaayna sheegene inay taasi lidi ku tahay dhismaah nabadda iyo dowlad dhiska Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn Golaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha ayaa shaaciyay in walaaca ay ka qabaan xaalada Magaalada Beledweyne darted ay ku baaqayaan.

1: In hogagnka dowladda Federaalka uu joojiyo hagardaameynta Shacabka Gobolka Hiiraan , dhageystana yabashada ay qabaan qaataana mas’uuliyada ka saran xalinta tabashada Shacabka.

2: in la dhowro xasiloonida, walaalnimada wada noolaanshaha Shacabka Hir-Shabeelle lana joojiyo waxkasta oo fowdo iyo fidno abuuri kara

3: Goluhu waxaa uu diyaar u yahay in uu gacan ka geysto xalinta khilaafka taagan si loo helo Hire-Shabeelle loo dhan yahay xasiloon, nabadna ah.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com