Jabuuti oo tageero u muujisay dowladda Itoobiya

HomeWararka

Jabuuti oo tageero u muujisay dowladda Itoobiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku qaabilay Xafiiskiisa la taliyaha gaarka ah ee Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo lag

Musharrax Dr Bashiir Maxmed Xuseen oo Garoowe kaga dhawaqay musharraxnimadiisa (dhegayso)
Madaxweynaha DDS Mustafe Cagjar oo balantii uu ka qaaday Guuleed Yare oofiyay (Sawiiro)
Dowladda oo ka hadashay khasaarihii ka dhashay weerarkii Hotel SYL

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku qaabilay Xafiiskiisa la taliyaha gaarka ah ee Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo lagu Magacaabo Mr Guido Andargachou, kaas oo farriin Amniga la xiriirta ka siday Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed.

Kulanka ayaa waxaa ay uga wada hadleen xaalada Itoobiya oo ay ka socdaan dagaalo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka Itoobiya & xoogaga TPLF, dagaaladaas oo geystay khasaaro dhimasho & dhaawac ah iyo barakaca kumanaan Ruux.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jabuuti oo War kasoo saartay Kulanka ayaa sheegtay in Dowladda Jabuuti ay taageereyso Xukuumadda Abiy Axmed, balse ay ku baaqeyso in wax walba wada-hadal lagu xaliyo.

Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jabuuti

Jamhuuriyadda Jabuuti waxay si aad ah ula socotaa xaaladda isku dhaca gudaha ee Itoobiya tan iyo 4tii Novembar 2020, oo ah isku dhac hubaysan oo u dhexeeya Ciidamada difaaca qaranka ee Itoobiya iyo kooxda TPLF ee gobolka Tigray.

Jabuuti waxay si buuxda u taageereysaa midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka iyo Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Itoobiya.

Sidoo kale, Dowladda Jabuuti waxay xaqiijisay in xukuumadda ra’iisul wasaare Abiy Ahmed Ali ay tahay tan kaliya ee dammaanad qaadaysa midnimada dhuleed ee Itoobiya.

Dhinaca kale, Jabuuti waxay ku baaqeysaa in si nabad ah lagu xaliyo dhibaatadan gudaha ka jirta ee Itoobiya iyadoo uu hogaaminayo mudane Abiy Ahmed, raiisul wasaaraha Itoobiya.

Ugu dambeyntiina, Jabuuti waxay muujisay inay diyaar u tahay inay taageerto, haddii loo baahdo, dadaallo loogu talagalay in lagu xalliyo xasilloonida dhibaatadan “

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: