Dowladda Ugaandha oo dhexdhexaadinaysa Itoobiya & tigreega

Dowladda Ugaandha oo dhexdhexaadinaysa Itoobiya & tigreega

Dowladda Uganda ayaa martigelin doonta wada hadalo u dhaxeeya Maamulka Tigreega iyo dowladda dhexe ee Itoobiya, sida uu xaqiijiyay Mas’uul sare oo ka tirsan dowladda Uganda.

Wakaalada Wararfa ee AFP ayaa sheegtay in ergo ka socota dowladda Itoobiya iyo Mucaaradka Tigreega ay tagi doonaan magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni oo xiriir dhow la leh Itoobiya ayaa garwadeen ka noqonaya wada hadaladan, isagoo la aaminsan yahay inuu yahay ninka ay warka ka maqlaan Jabhadda TPLF.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Itoobiya ayaa tagi doona magaalada Kampala, si uu dowladda ugu matalo wada hadalada ka bilaabanaya Addis Ababa.

Wada hadalada ka bilaabanaya Uganda ayaa ujeedkooda yahay in lagu soo afjaro dagaalada ka socda waqooyiga dalka Itoobiya.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com