HomeUncategorized

Ra’iisul wasaare Khayre oo ka hadlay Soomaalidii lagu xansuuqay Yemen.

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ka murugooday dhimashada ku timid shacabka Soomaaliyeed ee xeebaha dalka Yemen, Ra’iisal Wasaaraha ayaa tacsi u diray qoysaska iyo qaraabada ay ka baxeen dadkaasi sida xaq darada ah loogu laayay iyaga oo ku safraya xeebaha dalka Yemen, waxaana uu cambaareeyey falkaasi ka baxsan bani’aadanimada iyo xaquuqul insaanka.

Dhaawacyadii dagaalkii Buuhoodle oo dhammaantood la soo gaarsiiyey Galkacyo & dhakhaatiirta oo si wadajir ah ugu gurmaday.
Wasaarada Waxbarashada puntland oo soo bandhigtay gabdho loo helay deeq waxbarasho jaamacadeed.
Musharax Cali Xaaji Warsame oo ka hadlay barnaamijkiisa siyaasadeed ee Puntland (Dhegayso)

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ka murugooday dhimashada ku timid shacabka Soomaaliyeed ee xeebaha dalka Yemen, Ra’iisal Wasaaraha ayaa tacsi u diray qoysaska iyo qaraabada ay ka baxeen dadkaasi sida xaq darada ah loogu laayay iyaga oo ku safraya xeebaha dalka Yemen, waxaana uu cambaareeyey falkaasi ka baxsan bani’aadanimada iyo xaquuqul insaanka.

Sidoo kale, Ra’iisal Wasaaraha ayaa dalbaday in la baaro falkaasi iyo cida ku lugta leh, maadaama ay dadkaasi ahaayeen dad aan hubeysneyn oo aan waxba galabsan, una badnaa haween iyo caruur.

Ugu dambeyn, Ra’iisal Wasaaraha ayaa faray howlwadeenada wasaaradda arrimaha dibedda inay ka caawiso qoysaskii ay ka baxeen dadkaasi lana wadaagaan wixii macluumaad ah ee laga hayo dadka geeriyooday iyo kuwa dhaawaca ah.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: