Maxaa horyaallada madaxda ku kulansan magaalada Muqdisho (dhegayso)

HomeWararka

Maxaa horyaallada madaxda ku kulansan magaalada Muqdisho (dhegayso)

Shirkaan Shalay Muqdisho ka furmay, una dhaxeeya madaxda dawladda federaalka iyo kuwa dawladaha xubnaha ah dawladda ayaa ah mid ay ku xiranyihiin rajo

Muqdisho lagu arkay Meydadka dhowr qof oo dhalinyaro ah
Madaxweyne Waare oo gaaray Baydhabo
Madaxweyne Farmaajo oo kulan la qaatay Guddiga QM ee cunaqabateynta Hubka

Shirkaan Shalay Muqdisho ka furmay, una dhaxeeya madaxda dawladda federaalka iyo kuwa dawladaha xubnaha ah dawladda ayaa ah mid ay ku xiranyihiin rajooyin badan oo maanta dalka Soomaaliya uu leeyahay, kuwaasi oo udub-dhig u noqon karaa dhabbaha dalka Soomaaliya uu qaadayo marka la gaaro dhammaadka sannadkaan oo ah xilliga doorashada, inkastoo wakhtigaanba uu ku xusan yahay xilli doorasho marka loo fiiriyo doorashooyinkii hore iyo xilliga loo weelqaadi jiray.

Doorashadaan oo hadda wakhtigeedu dhawyahay waxay ku soo aadaysaa goor ay jirto kala maanduwanaan siyaasadeed,iyo id sharciba, waana mid walwalkeeda leh haddii arrimahaasi iyo kuwo kale oo taagan shirkaani Muqdisho uusan maaro u helin xallintooda.

Cabdifataax Xasan Xuseen Walloore wuxuu ka faalloodaa arrimaha siyaasadeed ee dalka, horayna Puntland ayuu uga soo noqday wasiir kuxigeenka wasaaradda caddaaladda iyo arrimaha diinta, telefonka ayuu iigu warramay isagoo Nairobi jooga, waxaana uu ka hadlayaa ahmiyadda shirkaan, arrimaha horyaalla, iyo waxa laga fili karaba, waxaase uu ku horraynayaa sida uu u arko shirka.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: