Muqdisho lagu arkay Meydadka dhowr qof oo dhalinyaro ah

HomeWararka

Muqdisho lagu arkay Meydadka dhowr qof oo dhalinyaro ah

Meydadka illaa afar ruux oo rag ahaa ayaa lagu arkay duleedka degmada Dayniile, kuwaasoo toogasho loo geystay. Meydadkan ayaa la soo dhigay meel du

Warka Kooban ee Xulashada Daljir (dhegayso)
Caawa & Daljir iyo Xuseen Madar , Daljir Gaalkacyo (daawo)
Saaka Iyo Dunida & Cabdinaasir Jekey, Daljir Gaalkacyo (dhegayso)

Meydadka illaa afar ruux oo rag ahaa ayaa lagu arkay duleedka degmada Dayniile, kuwaasoo toogasho loo geystay.

Meydadkan ayaa la soo dhigay meel duleedka ka ah Dayniile xalay fiidkii, sida dadka deegaanka ay sheegayaan.

Sawirro laga soo qaaday meydadka ayaa muujinayay ragga oo gacmaha iyo indhaha ka xirnaa lagana toogtay madaxa.

Lama oga cida ay ahaayeen waxaase loo maleynayaa inay ciidan ahaayeen, waxaana goobta meydadka la soo dhigay gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa amniga.

Meydadkan ayaa argagax ku abuuray dadka deegaanka, iyadoo la aqoonsan waayay, waxaana socda baaritaan ay wadaan Ciidamada Amniga.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: