Madaxweyne Farmaajo oo kulan la qaatay Guddiga QM ee cunaqabateynta Hubka

HomeWararka

Madaxweyne Farmaajo oo kulan la qaatay Guddiga QM ee cunaqabateynta Hubka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan la qaatay Guddiga Qaramada Midoobay ee cunaqabateynta hu

Maamulka Koonfur Galbeed oo Soo Dhoweeyey In Liiska Argagixsada Laga Saaro Sh Mukhtaar Roobow
Kenya oo baritaan kuwadda ragg lagu tuhumayo inay Alshabaab ka tirsanyihiin
Caawa & Daljir iyo Jamaal Faarax Aadan, Daljir Gaalkacyo (dhegayso)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan la qaatay Guddiga Qaramada Midoobay ee cunaqabateynta hubka Soomaaliya ayaa la wadaagay warbixin ku saabsan deegaannada Dowladdu ay ka xoreysay argagixisada Alshabaab, qorshaha dib u habeynta Ciidamada Xoogga Dalka iyo dagaalka lagu dabar-gooynayo fikirka xagjirnimada.

Madaxweynaha ayaa u soo jeediyey Guddiga Qaramada Midoobey ee cunaqabateynta hubka Soomaaliya oo uu hoggaaminayey Danjiraha dalka Belgium Mudane Marc Pecsteen in dib u eegid lagu sameeyo nidaamka cunaqabataynta saaran dalkeenna, iyadoo lagu jaan-gooynayo taageerada muhiimka u ah ciidamada Soomaaliyeed, si ay u soo afjaraan dagaalka argagixisada lagaga sifeynayo dalka.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa dul istaagay dadaallada wax-ku-oolka ah ee Dowladdu ay ku mideysay qorshaha wadajirka ah ee dalka lagaga xoreynayo Alshabaab, diyaarinta sharciyada lagu wiiqayo ilaha dhaqaale ee argagixisada iyo dhismaha Xafiisyada Amniga Qaranka ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey Golaha Ammaanka iyo Guddiga Qaramada Midoobay ee cunaqabateynta hubka sida ay uga go’an tahay taageerada Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinaca nabadeynta iyo xasilloonida waarta.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: