Madaxweynaha Jubbaland oo laamaha amaanka la shiray

HomeWararka

Madaxweynaha Jubbaland oo laamaha amaanka la shiray

Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan la qaatay Sarakiisha Hay’adaha Amniga iyadoo uu Madaxweynahu faray inay keenan baaritaana

Gudoomiye ku xigeenka Kowaad ee Barlamaanka Galmudug oo mooshin laga soo Gudbiyey (dhegayso)
Rooble oo kulamo ka bilaabay Qaahira
Xulashada Daljir & Xaawo Axmed, Daljir Garoowe (dhegayso)

Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan la qaatay Sarakiisha Hay’adaha Amniga iyadoo uu Madaxweynahu faray inay keenan baaritaanada dhacdooyinkii u danbeeyay ee dhinaca Amniga ah oo ay ugu danbaysay qaraxii Shalay Argagixisadu ay la beegsadeen dad Shacab ah iyo Masuuliyiin kasoo baxay masaajidka qadiim ee Magaalada Kismaayo.

Waxaa Madaxweynahu uu ku faray Ciidamada Nabad sugida iyo Booliska inay dardar galiyaan howlgalada sugida nabadgalyada muwaadiniinta isagoo xusay in loo baahan yahay feejignaan dheeri ah.

Madaxweynaha ayaa Sarakiisha Ciidamada Darawiishta ka dhagaystay natiijada howlgalka ka socda wadada xiriirisa Degmooyinka Kismaayo iyo Afmadow isagoo amaanay sida Ciidamada geesiyada ah ay u naafeeyeen Argagixisada.

Gaba gabadii Madaxweynaha waxaa uu sheegay in howlgalada ka dhanka ah Kooxda banaysatay dhiiga Shacabka ay sii socon doonan Ciidamada amaanka Magaalooyinkana looga baahan yahay inay kasoo dhalaalan masuuliyada sugida nabadgalyada.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: