Madaxweynaha Puntland oo ka tacsiyeeyay Geerida Xoghayihii Rugta Ganacsiga jubbaland

HomeWararka

Madaxweynaha Puntland oo ka tacsiyeeyay Geerida Xoghayihii Rugta Ganacsiga jubbaland

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa, kan Shacabka Puntland, iyo kan Goleyaasha Dowladda ayaa tiiraanyada

Wadahadaladii Ururka ONLF iyo Itoobiya oo Hakad kuyimid Maxay Tahay sababta ?
Madaxweyne Farmaajo oo faray Xukuumadda in ay kor u qaaddo tayada caafimaad ee Xarumaha Karantiilka Cudurka COVID-19
Dowladda Jarmalka oo kaalmo dhaqaalle u ballanqaaday Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa, kan Shacabka Puntland, iyo kan Goleyaasha Dowladda ayaa tiiraanyada la wadaagay shacabka Jubaland geerida naxdinta leh ee ku timi Alle naxariistii Janno haka waraabiyee Guddoomiyihii Rugta Ganacsiga Jubaland Shaafi Raabi Kaahin oo u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray qarax ay argagixisadu soo maleegtey maanta, kaasi oo ka dhacay Kismaayo.

Madaxweyne Deni ayaa Alle SWC u waydiiyey inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo marxuumka, isaga iyo muwaadiniinta kale ee ku waxyeelowdey qaraxaasi, samir iyo iimaanna Alle kasiiyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Jubaland, eheladii, qaraabadii, qayskii iyo asxaabtii, uu ka baxay marxuumku.

Sidoo kale Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Alle uga baryey intii dhaawacantay inuu u booga dhayo.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: