Maraykanka oo sheegay in ciidamadiisa qaar kala baxayo Ciraaq

Maraykanka oo sheegay in ciidamadiisa qaar kala baxayo Ciraaq

Taliyaha ugu sareeya Ciidamada Mareykanka ee Bariga Dhexe ayaa ku dhawaaqay in ciidankooda jooga Ciraaq ay la bixi doonaan todobaadyo gudahood.

Jen. Kenneth Mckenzia ayaa sheegay in ciidamada Ciraaq jooga oo tiradoodu tahay 5,200, balse haatan lagu soo koobi doono 3,000 inta lagu guda jiro bisha Sebtember.

Waxaa uu sheegay Ciidamada in Ciidamada haray ay sii wado doonaan la talinta iyo caawinta Ciidmada Amniga Ciraaq, si ay u ciribtiraan Kooxda Daacish.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa bishii hore xaqiijiyay inuu qorsheynayo in Ciidamada uga sugan dalka Ciraaq uu dhammaan kala bixayaan sida ugu dhaqsiyaha badan.

Joogitaanka ciidamada Mareykanka ee Ciraaq ayaa ka dhalatay carro xooggan, kaddib markii Mareykanka uu duqeyn ku dilay Jeneraalkii ugu sareeyay Ciidamada dalka Iiraan Qaasim Suleymaani horaantii bishii Janaayo.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com