Dowladda Federaalka oo sheegtay inay fashilisay werara ay qorsheynayeen Alshabaab

Dowladda Federaalka oo sheegtay inay fashilisay werara ay qorsheynayeen Alshabaab

War kasoo baxay Taliska Ciidanka xoogga dalka qeybta 43ad ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidanka ayAfar ka tirsanaa Al-Shabaab ku dileen nawaaxiga Baar-sanguuni oo ku dhow Magaalada Kismaayo, halka Saddex kalena ay ku dhaawaceen.

Tallaabadaan ayaa timid, ka dib markii ay ka war heleen duullaan gaadmo ah oo ay qorsheynayeen in ay la beegsadaan fariisimada Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed ee degaankaas.

Shirwac Cumar Baaruush oo ka tirsan Saraakiisha qeybta 43-aad ee Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa warbaahinta dowladda u sheegay ay Shabaab gaarsiiyeen jab xooggan kana furteen Saanad Ciidan sida uu hadalka u dhigay.

Marka laga soo tago warkaan kasoo baxay Taliska Ciidanka xoogga dalka qeybta 43aad ayaa waxaa jiray dagaal kooban oo degaanka Baar-Sanguuni ee Gobolka Jubbada Hoose ku dhex-maray Ciidamada Dowladda iyo Al-Shabaab.

Diwaanka wararaka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com