HomeUncategorized

Amniga Caasimadda Muqdisho oo laga shiray

Kusimaha Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir, Md. Axmed Xasan Iimaan ayaa maanta shir guddoomiyey kulan

11 qof oo ku dhimatay shi labo gaari oo ka dhacay meel wax yar u jirta Galkacyo.
Qarax baabuur loo adeegsaday oo ka dhacay madaarka magaalada Jalalabad ee dalka Afghanistan.
Ergada oo shrka dib-u-heshiisiinta Jubbooyinka ku sifeeyey mid heshiis buuxa lagu gaarayo (MAQAL)

Kusimaha Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir, Md. Axmed Xasan Iimaan ayaa maanta shir guddoomiyey kulan loogu hadlayey Amniga Caasimadda Muqdisho.

Kulanka Waxaa goob-joog ka ahaa Guddoomiye Xigeenka Howlaha Guud, Agaasinka Guud Ee Amniga Caasimadda, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka G/Banaadir iyo Saraakiisha Laamaha Ammaanka.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii loo dar-dar gelin lahaa sugidda Amniga Caasimadda Muqdisho, iyadoona la isla qaatay in Howlgallo baarintaan joogto ah laga sameeyo xaafadaha iyo gaadiidka lagu dhex wato Caasimadda.

Uga dambayntii, Shacabka ku dhaqan Gobolka Banaadir ayaa laga codsaday in ay sii laba jibaaraan wada-shaqeynta Laamaha Ammaanka, si looga hor-tago falalka Amni darro ee ay kooxaha Argagixisadu ka geystaan Caasimadda.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: