11 qof oo ku dhimatay shi labo gaari oo ka dhacay meel wax yar u jirta Galkacyo.


Galkacyo, Feb 01 ? Isku-dhac labo baabuur ayaa sababay dhimashada 11 qof kaasoo ka dhacay deegaanka lagu magacaabo Dusmada oo u dhexeeya Galkacyo iyo Bacaadweyn kaddib markii mid la mid ah labadaas baabuur dusha laga maray.

Goobta shilkaasi ka dhacay ayaa magaalada Galkacyo u jirtaa 25KM, waxaana labada baabuur ee isku-dhacay midkood uu ahaa baabuurta xamuulka ah ee loo yaqaanno Candho-maydlaha, halka baabuurka kalena uu ahaa Market2, kaasoo ahaa baabuurka dadku ku dhinteen.

11-ka qof ee shilkaasi ku dhimatay ayaa dhammaantood saarnaa Market2-ga, kaasoo ka soo rakaabsaday degmada Xarfo ee gobolka Mudug, kuna sii jeeday Galkacyo, kuwaasi oo afar ka mid ahi ay caruur ahaayeen, saddex ahaanna la tilmaamayo in ay walaalo yihiin iyadoo hooyadoodana ay ku jirtay dadka dhintay.

Ma jirto cid ka badbaaday dadkii saarnaa baabuurkaasi Market2-ga ah, waxaana wariyaasha Daljir oo halkaasi tagay ay soo sheegeen inta badan dadkaasi in aan la aqoonsan karin kaddib markii ay wada burbureen dadkaasi iyo baabuurkii ay saarnaayeen.

Gurmad ballaaran oo laga sameeyey Galkacyo iyo meelo kale oo gobolka ah ayaa lagu soo daad-gureeyey dadkii maydka ahaa, waxaana dadkii halkaasi tagay ka mid ahaa mas?uuliyiinta maamulka gobolka, kuwa degmada, ciidamada ammaanka, ciidanka illaalinta nabadgalyada waddooyinka iyo dadweyne kale oo aad u tiro badan.

Shaqaalaha caafimaadka ee isbitaallada magaalada iyo gaadiidka ay adeegsadaan ayaa halkaasi tagay iyagoo gudaha iyo bannaankaba laga soo aruuriyey waaxaha dadkaasi oo bannaanka warnaa, waxaana kaddib la keenay isbitaalka guud iyo midka GMC.

Dadkii saaranaa baabuurka xamuulka ee dusha ka maray gaariga yar ayaa Daljir loo sheegay in ay saarnaayeen darawalka iyo kirishbooygiisa oo kaliya, kuwaasi oo iyaga aysan waxba soo gaarin.

Waa shilkii ugu khasaaraha badnaa ee inta la xasuusto ka dhacay deegaannada Puntland, mana cadda wali sababta isku-dhac ee labadaasi gaari.

Diiwaanka Wararka,
Daljir Galkacyo.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com