Qarax baabuur loo adeegsaday oo ka dhacay madaarka magaalada Jalalabad ee dalka Afghanistan.

Kaabul,Feb 27 -Ugu yaraan 6 qof ayaa ku dhintay qarax baabuur loo adeegsaday oo ka
dhacay madaarka magaalada Jalalabad ee bariga dalka Afghanistan.

Wararka la helayo ayaa tibaaxaya in dhowr qof oo kale ay ku
dhaawacmeen qaraxaasi.

Dadka khasaaruhu ka soo gaadhay qaraxaan ayaa dhamaantood ahaa dad
rayid ah,sida uu xaqiijiyey sarkaal u hadlay Police-ka dalka
Afghanistan.

Kooxda mintidka ah ee Daalibaan oo kacdoon ka wadda dalkaasi,ayaa
sheegatay massuuliyadda weerarkaasi .

Dalka Afghanistan ayaa waxaa beryihii ugu dameeyey ka dhacayey
banaanbaxyo dhiig ku daatay oo lagaga cabanayey gubitaankii
militariga Maraykanka ee Masxafka Quraanka kariimka todobaad ka hor.

Madaxweynaha Afghanistan Xamiid karazay oo la hadlay dadka
wadankiisa ayaa codsaday deganaansho.

Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in kitaabka aan si ku talagal ah
loo gubin ,waxaana raaligelin ka bixiyey madaxweynaha Mareykanka Brack
Obama.

Madaarka magaalada Jalalabad ayaa waxaa adeegsada dadka rayidka ah iyo
ciidamada caalamiga ah ee ku sugan dalka Afghanistan.

Isla xilligan maamulayaasha dalka Afghansitan ayaa weli baadigoobaya
nin 25 jir ah oo ka tirsanaa Police-ka dalkaasi,kaasi oo Sabtidii laba
sarkaal oo ka tirsan ciidanka gaashaanbuurta Nato ku dilay wasaaradda
arrimaha gudaha ee Afghanistan xarunteeda magaalada caasimada ah ee
Kabul.

Abdirashid Musse
Daljir,Bossaso.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com