Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Hambalyo u diray shacabka Galmudug

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Hambalyo u diray shacabka Galmudug

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame ahna hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa farriin u diray shacabka iyo madaxda maamulka Galmudug, waxaana uu ugu hambalyeeyay sanad guurada 14aad ee kasoo wareegatay markii maamulkaas dhidibada loo taagay.

Waxaa uu sheegay Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur in shacabka Galmudug uu la qayb sanayo maamlintooda khaaska ah ee ku aaddan dabbaal degga sanad guuradooda.

“Hambalyo hoggaanka iyo shacabka Galmudug sanad guurada 14aad ee ka soo wareegtay yagleelkii Galmudug. Galmudug waxay ka mid ahayd dawlad Goboleedyadii ku meel gaarka dalka ka saaray, dastuurkana wax ka ansixiyey” ayuu yiri CC Shakuur Warsame.

Degaanada maamulka Galmudug ayaa waxaa ka socota dabbaal degyo iyo munaasabado ku aaddan sanad guurada 14aad ee markii maamulkaas loo aqaan saday maamul Goboleed ka mid ah maamulada ka jira dalka.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com