Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo kulan la qaatay ururada Bulshada Rayidka ah

HomeWararka

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo kulan la qaatay ururada Bulshada Rayidka ah

Ku Simaha Madaxwaynaha ahna Madaxweyne Ku Xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa la kulmay Ururka Haweenka Caasimadda dowlad goboleedka Galmud

Daljir & BBCMA: BARAARUGGA Haweenka Taxanaha 78aad | (daawo)
Ayax farabad oo ku habsaday deegaano katirsan gobolka Hayland (dhegayso)
Nabadoonada Cuqaasha iyo Waxgaradka degmada burtinle oo ka hadlay xaalka Laascaanood

Ku Simaha Madaxwaynaha ahna Madaxweyne Ku Xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa la kulmay Ururka Haweenka Caasimadda dowlad goboleedka Galmudug ee Dhuusamareeb.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa Ururka haweenka magaalada Dhuusamareeb waxa uu kala hadlay arrimaha shirkii wadatashiga madaxda qaranka iyo kuwa dowad goboleedyada eek u qabsoomay dhuusamareeb iyo diyaar garoowga wajiga sedexaad ee shirka dhuusamareeb ee loo balansanyahay 15-ka bishaan .

“Waxaan bogaadiyay kaalintii adkeyd oo ay Haweenka Galmudug ka qaateen Shirarkii Wadatashiga ee Dhusamareeb 1 & 2. Waxaana kaloo faray iney u diyaar-garoobaan qabsoomida Shirka Dhuusamareeb 3 oo caasimaddu ay martigelin doonto 15 bishaan Agoosto.ayuu hadalkiisa ku daray ku simaha madaxweynaha Galmudug.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) oo dhawaan safar shaqo ugu baxay dalka turkiga ayaa sheegay in maalmo kooban uu kusoo laabanayo si loo dar dargaliyo diyaar-garoowga wajiga sedexaad ee shirka wadatashiga madaxda qaran iyo kuwad dowlad goboleedyada oo loogu balansanyahay magaalada Dhuusamareeb 15-ka bishaan.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: