Madaxweyne Laftagreen oo Muqisho kula Kulmay ku-xigeenka 1-aad Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Madaxweyne Laftagreen oo Muqisho kula Kulmay ku-xigeenka 1-aad Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koofur-galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-Gareen) ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulmay Ku Xigeenka 1-aad ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya .

Sidoo kale kulanka waxaa goobjoog ahaa wakiilada dowladdaha mareykanka , yuukay ,iyo Mas’uul ka socday EU oo kulanka uga qeybgalay aalada la isku arko ee fogaan araga.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa sidii loo ilaalin lahaa xasiloonida guud ee dalka, iyo sidii looga wada shaqayn lahaaa in doorashada dalka waqtigeeda ku dhacda.

Inta kulanka socday waxaaa la isla soo hadal qaday natiijadii ka soo baxday Shirkii lagu soo gabagabeeyay magaalada Dhusamareeb ee u dhaxeeyay madaxda qaranka iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka oo looga hadlay xaalada kala guurka dalka oo ay ugu weyntay arrimaha doorashooyinka dalka ee 2020/201.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com