Madaxweynaha Puntland oo kulan la qaatay waxgaradka gobalka Mudug

Madaxweynaha Puntland oo kulan la qaatay waxgaradka gobalka Mudug

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xalay kulan la qaatay waxgaradka iyo odeyaasha mid ka mid ah beelaha degan Gobolka Mudug.

Waxgaradka iyo Odeyaashan ayaa Madaxweynaha warbixin ka siiyey, xaaladda guud ee Gobolka, Shirkii nabadeynta ee kusoo dhammaaday Galdogob oo ay qeyb ka ahaayeen Odeyaashu iyo guud ahaan amniga iyo horumarka Gobolka .

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa la wadaagay Odeyaasha iyo Waxgaradkan Qorshaha Dowladda ee Gobolka, sida dhinacyada Amniga, nabadeynta iyo horumarka. Wuxuuna kula dardaarmay in ay doorkooda qaataan oo ka shaqeeyaan nabadgelyada iyo horumarka Gobolka.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com