Kooxda Alsbabaab oo werara ku qaaday Ciidamo ka tirsan Kenya

HomeWararka

Kooxda Alsbabaab oo werara ku qaaday Ciidamo ka tirsan Kenya

Xubno la sheegay inay ka tirsanaayeen Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidamada Booliska Kenya ku leeyihiin deegaanka Yumbis

Xisbiga Ifiye: “Waxaan ku baaqaynaa in Siyaasad ahaan laga heshiiyo doorashada baarlamaanka & tan Madaxweynaha”
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo booqday Dhaawacmyo Masar la geeyey.
Taliyaha cusub ee NISA Mahad M Salaad oo xilka la wareegay

Xubno la sheegay inay ka tirsanaayeen Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidamada Booliska Kenya ku leeyihiin deegaanka Yumbis ee gobolka Gaarisa ,waxaana la sheegay in uu halkaasi ka dhacay dagaal culus.

Dadka deegaanka ayaa ku waramay inay mar qura ka warheleen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac ee Ciidamada Kenya iyo Al-Shabaab,isla markaana uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay dagaalkaas.

Sidoo kale dadka deegaanka Yumbis ee gobolka Gaarisa ayaa Warbaahinta gudaha dalkaasi waxaa ay u sheegeen inay dareemeen cabsi ballaaran markii uu dhacay dagaalka, sidoo kalena dadka ka agdhow saldhiga Ciidamada Kenay ay barakaceen.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada weerarka lagu qaaday Saldhiga Ciidamada Booliska Kenya ee degaanka Yumbis ee gobolka Gaarisa, iyaga oo sheegay inay werarkaasi ku dileen lix Askari 10 kalena ku dhaawaceen.

Saraakiisha Ciidamada Booliska Kenya weli wax faah faahin ah kama bixin weerarka ay Al-Shabaab ku qaadeen Saldhiga degaanka Yumbis,waxaana lagu soo waramayaa in Maanta Ciidamada Kenya ay wadaan howlgallo kala duwan.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: