Maxkamada Ciidamada qalabka sida oo bilowday dhegaysiga dacwada Askari dilay qof shacab ah

HomeWararka

Maxkamada Ciidamada qalabka sida oo bilowday dhegaysiga dacwada Askari dilay qof shacab ah

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maanta bilowday dhageysiga eed ka dhan ah Askari ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya oo Isgoyska Ceel-gaabta

Sheekh Shariif gabagabada shirka Midowga Musharixiinta Madaxweynaha muxuu ka yiri ? (Daawo)
Weriyihii Aljazeera ee Daanta Galbeed Shariin Abu Caqiil oo la dilay
Madaxda Puntland iyo Galmudug oo Ku Kulmaya Magaalada Galkacyo

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maanta bilowday dhageysiga eed ka dhan ah Askari ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya oo Isgoyska Ceel-gaabta ee Muqdisho si bareer ugu dilay Nin Odey halkaas ku lahaa goob yar oo Ganacsi.

Nuur Daahir Geedi oo ah Askariga dilay Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Cumar Xasan Macalin ayaa qirtay inuu ka dambeeyay falkaas, isagoo u dilay muran ka dhashay laba kun oo shilin Somaali ah oo Odeyga kaga iibsan lahaa sigaar.

Xeer Ilaaliyada guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Gen Cabdullaahi Buule Kameey ayaa Maxkamadda ka dalbaday in xukun dil toogasho ah lagu fuliyo Eedeysane Nuur Daahir, taasi oo noqoneysa qisaasta Marxuumka.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: