Ciidamadda Amaanka Puntland iyo Galmudug oo toogasho ku dilay Sarkaal Shabaab ka tirsana

Ciidamadda Amaanka Puntland iyo Galmudug oo toogasho ku dilay Sarkaal Shabaab ka tirsana

Hawlgal qorshaysan oo ay shalay si wada jir ah uga fuliyeen maanta magaalada Gaalkacyo ciidamada Amniga Puntland iyo ciidanka Danab qaybtooda 21st ee magaalada Gaalkacyo oo ka wada shaqaynaya sidii loo sugi lahaa amniga magaalada Gaalkacyo ayaa waxay ku guulaysteen in ay dilaan madaxii Al Shabaab u qaabilsanaa qaraxyada gobolka Mudug oo ay dabagal ku hayeen ciidamadu ,kaaas oo ka dambeeyey qaraxyo badan oo lagu diley masuuliyiin ka tirsan Puntland iyo Galmudug,haddana qorshaynayey in uu fuliyo qaraxyo kale.

Saraakisha Amaanka oo Meydka sarkaalkaas ku soo bandhigay Koonfurta Gaalkacyo ee Galmudug ayaa sheegay in ay u mahadcelinayaan shacabka Somaliyeed oo suurtagaliyeey in la ogaado xogta ninkaas Alshabaab u qaabilsana Qaraxyada.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com