Kooxda Alshabaab oo xalay weraar ku qaadayXerada Tababarka Ciidanka ee Dhoobley

HomeWararka

Kooxda Alshabaab oo xalay weraar ku qaadayXerada Tababarka Ciidanka ee Dhoobley

Al-Shabaab ayaa xalay saqdii dhexe weerar xooggan ku qaaday xerada tababarka Ciidanka Jubbaland ee ku taal magaalada Dhoobley ee Jubadda Hoose. Sid

Saldhigga Milateri ee Imaaraadka: Hargeysa oo aad isugu Taxalujinaysa in ay Dariskeeda Qanciso, Laakiin …
Dowladda oo daryeel Caafimaad ufidisay dadkii ku dhaawacmay dagaalkii Dhumay (dhegayso)
Siyaasi Cismaan Yuusuf Xaraare oo ka hadlay wadahadalada Maamulka Somaliland iyo Somaaliya (dhegayso)

Al-Shabaab ayaa xalay saqdii dhexe weerar xooggan ku qaaday xerada tababarka Ciidanka Jubbaland ee ku taal magaalada Dhoobley ee Jubadda Hoose.

Sida wararku sheegayaan dagaal ayaa dhex ciidanka Jubbaland ee xerada ciidanka ilaalada ka hayay iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab, waxaana la sheegayaa in khasaare kala duwan uu ka dhashay.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya inay maqlayeen hub culus oo la is weydaarsanayay, waxaana xerada la weeraray ay ku taallaa duleedka Dhoobley.

Wararka ayaa sheegaya in xerada la weeraray ay ku jireen askar tababar u socday, waxaana la ogeyn khasaaraha gaaray ciidankaas tababarka uga socday xeradaas oo ahaa kuwo aan hubeysneyn.

Ciidamo ka tirsan daraawiishta Jubbaland ayaa saaka gurmad ahaan u tagay xerada ciidanka ee xalay la weeraray, mana jirto illaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Jubbaland.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: