HomeUncategorized

Ruushka oo labo-jibbaaray duqaymaha uu u gaysto dalka Suuriya

Ruushka ayaa qaaday hawlgal baaxad weyn oo duqaymo ah oo la ka fuliyey wadanka Suuriya isagoo adeegsanaya maraakiibta dagaalka ee uu geeyey xeebaha wadankaasi.

Dhegayso: Khudbadii Madaxweynaha Koonfur Galbeeg ka jeediyey Xarunta Madaxtooyadda Puntland
Madaxweyne Gaas oo Maanta Booqday Jaamacadda Global Science University ee Gaalkacyo
Axmed Adam Carab oo loo magacaabay Guddoomiyaha gobolka Cayn; Cumar X. Cabdi, Duqa magaalada Buuhoodle.

Ruushka ayaa qaaday hawlgal baaxad weyn oo duqaymo ah oo la ka fuliyey wadanka Suuriya isagoo adeegsanaya maraakiibta dagaalka ee uu geeyey xeebaha wadankaasi.

Wasiirka difaaca Suuriya ayaa sheegay in markii ugu horreysay diyaarado dagaal ay duulaan ka qaadeen Markab diyaaradaha dagaalka xambaara iyadoo sidoo kale gantaalaha ridada dheer laga riday markabkaasi.

Wasiirka ayaa sheegay in bartilmaameedku uu ahaa fariimo ay leeyihiin kooxda la baxday dawladda Islaamiga iyo kooxaha falaagadda ee xiriirka la leh Al-Qaacida ee ku sugan gobolada Idlib iyo Homs.

Docda kalena duqaymo lixaad leh ayay ciidamadda Suuriya waxay dib uga bilaabeen bariga magaalada Xalab ee ay gacanta ku hayaan kooxaha mucaaradka ka dib todobaadyo hakad ku jirtay duqayntaasi. Kooxaha u dhaqdhaaqa Suuriya ayaa sheegay in duqayntaasi ay ku dhinteen ugu yaraan 5 qof.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: