HomeUncategorized

Madaxweyne Gaas oo Maanta Booqday Jaamacadda Global Science University ee Gaalkacyo

Sabti, September 05, 2015 (Daljir) —Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 5-9-2015 daahfuray Sanad Dugsiyeedka 2015/2016 ee Jaamacadda Global Science University ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug.

Dhagayso W. Soocade: Shacabka Puntland firxadka Shabaab dawladda ha usoo sheegeen, maalintii 4aad guul-baan ka gaarnay dagaalka.
DHEGEYSO-Sarkaal kasoo goostay Alshabab oo lasoo bandhigay
RW Cumar oo ku guulaystay xubinimada aqalka sare iyo doorashadii oo socota.

Sabti, September 05, 2015 (Daljir) —Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 5-9-2015 daahfuray Sanad Dugsiyeedka  2015/2016 ee Jaamacadda Global Science University ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug.

Ka hor inta uusan madaxweynuhu daahfurin xafladda ayuu kormeeray qeybaha uu ka koobanyahay cisbitaalka GMC ee magaalada Gaalkacyo, waxaana halkaasi uu warbixin kaga dhagaystay maamulka cisbitaalkaasi , isagoona dhammaan booqday bukaanada kujira cisbitaalka GMC .

Xafladda Daahfurka Sanad Dugsiyeedka Jaamacadda Global Science University waxaa sidoo kale goob joog ahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Dawladda Puntland Siciid Xassan Shire, Wasiiro, Xildhibaano, Maamulka Gobalka Mudug, maamulka degmada Gaalkacyo , Waxgarad, Aqoonyahan , Ardey iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo khudbad dhinacyo badan taabanaysay ka jeediyey madasha ayaa sheegay inuu si aad ah ugu faraxsan yahay ka qeyb-galka munaasibadda, waxaana uu ardeyda u rajeeyey mustaqbal wanaagsan oo ifaya .

‘’ Dalka markii ay dadkiisu waxbartaan ayuu gaaraa horumar, marka waa in aynu ku dadaalno waxbarista dadkeena , qof keli ahna ma qaadi karo mas’uuliyadaas ‘’ Ayuu yiri Madaxweyne Gaas .

‘’ Jaamacadaheena dalka inaynu tayeynu ayaa laynaga rabaa , oo qofka ka soo baxaya uu noqdo qof leh shahaadada uu wato aqoonteeda , macanaheeduna waxa weeye qofka soo galayana jaamacadda in uu noqdo qof la hubo waxbarashadiisa ‘’ Ayuu hadalkiisa sii raaciyey Madaxweyne Gaas.

Madaxa Gaalkacyo Medical Center Dr. Cabdulqaadir Maxamuud Dhagacadde ayaa Madaxweynaha gudoonsiiyey shahaado sharaf uu ku mutaystay dadaalka uu ugu jiro kor uqaadista waxbarashada iyo horumarinta dalka .

 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: