HomeUncategorized

Qorshaha horumarinta iyo miisaaniyadda dalka oo muqdisho looga hadlay.

Muqdisho, Oct 24 2016--Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa maanta gudoomiyay shir ku saabsanaa sidii loo waafajin lahaa miisaaniyadda 2017 qorshaha horumarinta qaranka, waxanaa ka soo qeygalay Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Qorsheeynta Qaranka, iyo Gudigga shaqaalaha rayidka.

Muqdisho oo maanta lagu soo dhaweeyey dhallinyaro burcad-badeednimo ka waantoobay.
Wakiilada midowga Yurub ee Soomaaliya iyo barriga Afrika oo canbaareeyey weerarkii Kismaayo
Baahin: Sabti, Apr 23, Weriye Axmed Sh. Maxamed ~ Daljir ~ Bossaso. “Waxaa jira dad curyaaminaya amniga iyo dhaqaalaha Puntland, sidoo kale waxaa jirta abaar aad u daran ee aan u kacno” C/Sammed Cali Shire … Gen. Khayr, wasiirka ammaanka ee Puntland oo ka codsaday shacabka in lagala shaqeeyo adkaynta amniga, sheegayna in rag loo qabtay dilkii xalay ka dhacay Galkacyo; Odayaal ay isku-hayb yihiin eedaysanayaasha oo sheegay in aanay lug ku lahayn dilalka loo haysto … Al-shabaab oo la wareegay Dhuusamareeb, Galgaduud; Ahlu-sunna oo isku uruursanaya duleedka magaalada Dhuusamareeb …

Muqdisho, Oct 24 2016–Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa maanta gudoomiyay shir ku saabsanaa sidii loo waafajin lahaa miisaaniyadda 2017 qorshaha horumarinta qaranka, waxanaa ka soo qeygalay Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Qorsheeynta Qaranka, iyo Gudigga shaqaalaha rayidka.

Mudane Carteh ayaa sheegay in qorshaha horumarinta Qaranka uu muhiim u yahay horumar waara oo la gaarsiiyo dadka iyo dalka Soomaaliyeed asagoona magacaabay guddi howled arintaa ka howlgeli doona.

“Qorsha Horumarinta Qaranka waa mid dalka horumar dhaqaale gaarsiinaya; sidaa awgeed waa muhiim in miisaaniyadda 2017 aan ku saleyno, Waxaana howshaa ka shaqeyn doona guddi ka kooban Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Wasaaradda Maaliyadda, iyo Wasaaradda Qorsheeynta Qaranka”.

Dhanka kale Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa guddi u saaray tayeeynta habka shaqo qorida dowladda sii loo hirgeliyo shaaqaaleeyn ku saleysan mabda’a mudnaanta islamarkaana miisaaniyadda Qaranka waafaqsan.

“Waa lagama maarmaan inaan habka shaqo qorida dowladda ku saleyno mabda’a mudnaanta iyo miisaaniyadda qaranka si shaqaalaha dowladda ay u noqdaan kuwo tayo leh islamarkaana xuqooqdooda ka hela dowladda, Waxaana howshaa ka shaqeyn doono guddi ka kooban Xafiiska RW, Wasaaradda Shaqada iyo shaqaalaha, Wasaaradda Qorsheeynta Qaranka, Wasaaradda Maaliyadda, Guddiga shaqaalaha rayidka, iyo Bankiga dhexe’’.

Ugu dambeyn, RW Ku-Xigeenka ayaa ku baaqay in la abuuro fursado kobcin karta dakhliga si loo balaariyo miisaaniyadda dowladda kana jawaabto adeega bulshada ee ay dowladda bixineyso.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: