Muqdisho oo maanta lagu soo dhaweeyey dhallinyaro burcad-badeednimo ka waantoobay.

?

Muqdisho, Jan 16 ? Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu qabtay munaasabad lagu soo dhaweynayey koox dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo sheegay in ay faraha ka laabteen falal burcad-badeednimo oo ay muddo ku shaqaysanayeen.

Xafladdaasi soo dhaweyneed oo ay ka qaybgaleen mas?uuliyiin dawladeed, madax ururo bulsho iyo hoggaamiyayaal dhaqameeddo, waxaa laga jeediyey khudbado bogaadin iyo soo dhaweyn iskugu dhafnaa, iyadoo si durugsan dhallintaasi burcaddnimada ka baxay loogu dhiirragaliyey qaadashada go?aankooda iyo ku soo biiriddoodda bulshada caadiga ah.

Inkastoo ka qaybgalayaashii halkaasi ka hadlay qaarkood walaac galinayeen kasabka laga tabcay burcad-badeednimada, xoogeeyeenna xaaladaha ma hadhooyinka ah ee qofkaasi mudan karo, misna waxaa laga sinnaa muhiimmadda ay leedahay ka waantoobidda fal aan wanaagsanayn.

Dhallintii burcadda ka baxay, loona sameeyey munaasabadda soo dhaweyneed oo qaarkood ay madasha ka hadleen, ayaa isna xog-warrano kooban ka bixiyey sababtii ay burcadda uga baxeen iyo dhibaatooyinkii la so gudboonaaday intii ay falkaasi faraha kula jireen, waxay cabbireen liidasha ku lug-lahaanta arrinkaas.

Muddooyinkii ugu dambeeyey waxaala tilmaamayey in ay sii wiiqmaysay awooddii burcad-badeeddu, uuna sidoo kale hoos u dhacday dhallintii sida xawliga ah ugu biiri jirtay, kaddib markii la xoojiyey dagaalka lagula jiro, ayna dhinaca kale korortay waxyeelooyinka laga kulmo burcadnimada.

Diiwaanka Wararka

Radio Daljir

(G).

?

?

?

?

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com