Barlamaanka Hirshabeelle oo dooranaya madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen.

Jowhar, Oct 17 2016–Magaalada Jowhar waxaa maanta lagu wadaa in lagu doorto Madaxweynaha cusub ee uu yeelanaayo maamulka Hirshabeelle oo dhawaan looga dhawaaqay magaalada Jowhar.

Waxaa weli magaalada kusugan kana qaybgalay dhegeysiga khudbadaha musharixiinta wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Odawaa iyo mas’uuliyiin kale.

Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle, waxaa kamid ah;

1–Cali Cabdulaahi Cosoble

2–Cali Maxamed Cararaale iyo

3–Maxamed Cabdi Waare

Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeelle, ee jeedinaya khudbadaha ayaa waxa ay kaal yihiin, musharax;

1–Cali Guudlaawe Xuseen iyo

2–Cali Taagoow Xuseen

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com