DHEGEYSO-Shan ruux oo kudhaawacantay weerar kadhacay degmada Godob-jiraan.

Godob-jiraan, Oct 17 2016–Ugu yaraan shan ruux ayaa ku dhaawacantay weerar loo adeegsadey qoryaha fudud oo xalay kadhacay maqaayad kutaal degmada Godob-jiraan ee gobolka Nugaal. 

Labo kamid ah dadka dhaawacmay ayaa ayaa lasoo sheegayaa in xaaladdooda caafiamaad aad u liidato, waxaana lageeyey cisbitalka guud ee magaalada Garoowe, halkaas oo lagu dabiibayo.

Gudoomiyaha degmada Godob-jiraan Yuusuf Maxamed Faarax, oo kusugnaa meheradda laweeraray ayaa sheegay in ilaa hadda aan la ogeyn cidda weerarkaasi ka dambaysa iyo ujeedkiisa.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com