HomeUncategorized

DHEGEYSO-Wasiirka deegaanka DPL,*Xalka Galkacyo hadda waa dhowyahay*.

Galkacyo, Oct 13 2016--Wasiirka wasaaradda deegaanka dowladda Puntland Dr Cali Cabdullaahi Warsame oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Galkacyo ayaa kahadlay ciidamo dowladda Soomaaliya sheegtay inay Galkacyo u soo dirayso.

Saraakiil ka tirsan ciidamada badda Puntland oo xukuno xarrig ah maanta lagu riday (Dhegeyso)
Dambiile C/llahi Daahir oo hore u dilay dhibane Ciise Maxamuud oo maxkamada Galkacyo ay ku fulisay xukun qisaas ah.
Caawa iyo Daljir, Wariye Maxamuud Cabdi Ibraahim 18 Aug 2015 , Daljir Boosaaso

Galkacyo, Oct 13 2016–Wasiirka wasaaradda deegaanka dowladda Puntland Dr Cali Cabdullaahi Warsame oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Galkacyo ayaa kahadlay ciidamo dowladda Soomaaliya sheegtay inay Galkacyo u soo dirayso.

Dr Cali Cabdullaahi ayaa sheegay in dowladda federalka ah ee Soomaaliya sanadihii ugu dambeeyey si aad ah uga qaybqaadanaysay colaada Galkacyo, hadalka wasiirka warfaafinta Soomaaliyana qayb ka ahaa duulaanka kadhanka ah Puntland.

Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya hantidii iyo dhammaan wixii Soomaaliya dhismeheeda loogu talagalay ku fulinayso dano qabiil iyo colaad sokeeye.

Ugu dambayntiina wasiirka ayaa waxa uu sheegay in xilligaan xalka Galkacyo uu dhowyahay, hadalkaasi oo laga bixiyey fasiraado kala duwan, xilli magaalada ay isku soodhiibeen ciidamo katirsanaa NISA oo dagaalka Puntland lookeenay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: