Warbixin-Waa sidee xaaladda magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Galakcyo, Oct 13 2016–Xaaladda magaalada Galkacyo ee xarun goboleedka Mudug ayaa degan maalinkii labaad kadib dagaal dhowaan ku dhexmaray ciidanka Puntland iyo ciidamo kale oo isgaashaan buursanayey. 

Ganacsigii meelaha qaar ayaa kusoo laabanaya caadi, walow ay magaalada iyo hareereheeda weli kusugan yihiin ciidankii dhowaan ku dagaalamay. 

Waxaa dulaadka waqooyi ee magaalada kasocda dhismaha maxjarkan xanaanada xoolaha oo ay garwadeen katahay dhismihiisa dowladda hoose ee magaalada Galkacyo. 

Dowladda federalka ah ee Soomaaliya ayaa kaalin kuyeelatay dagaalka Galkacyo kadib markii ay Puntland isu soodhiibeen qaar kamid ah ciidanka nabadsugidda Soomaaliya ee NISA oo Galkacyo lookeenay inay Puntland ladagaalamaan.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com