Nabadoon lagu dhaawacay magaalada Boosaaso

HomeWararka

Nabadoon lagu dhaawacay magaalada Boosaaso

Faahfahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa Nabadoon xalay fiidkii lagu dhaawacay magaalada Bosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland. Nabadoonka la dh

QM oo sheegtay in Somalia u baahan tahay gurmad deg deg ah
BADHAN SANAAG: Gudoomiyihii Bulshada rayidka oo la weeraray (daawo)
Dhimashadu Waa 3 iyo Dhaawaca 4 Kale Shil Gaari oo Ka Dhacay Guudcad (Sawirro+cod)

Faahfahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa Nabadoon xalay fiidkii lagu dhaawacay magaalada Bosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Nabadoonka la dhaawacay ayaa lagu magacaabaa Cabdullaahi Cali Sugulle.

Nabadoonka ayaa rasaastu ay ka haleeshay sdia al sheegay caloosha iyo feeraha.

Dhaawaca nabadoonka ayaa la sheegayaa in ay geysteen kooxo ku hubeysnaa bastoolado oo nabadoonka jidka u galay xili uu ku sii jeeday hoyga uu ka degan yahay magaalada Bosaaso.

Weerarka lagu qaaday nabadoon Cabdullahi Cali Sugulle ayaa ka dhacay aaga afar Irdood.

Dhaawaca nabadoonka ayaa la geeyey mdi ah ka mid ah xarumaha caafimaadka, oo xaaladiisa caafimaad lagula tacaalayo.

Amniga magaalada Bosaaso ayaa ka duwan sidii hore ee looga bartay, waxaana isa soo taraya dilalka qorsheysan ee ka dhacaya magaalada .

Diiwaanka wararka.
Radio Daljir.

COMMENTS

WORDPRESS: 1
DISQUS: