Nabadoon lagu dhaawacay magaalada Boosaaso

Faahfahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa Nabadoon xalay fiidkii lagu dhaawacay magaalada Bosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Nabadoonka la dhaawacay ayaa lagu magacaabaa Cabdullaahi Cali Sugulle.

Nabadoonka ayaa rasaastu ay ka haleeshay sdia al sheegay caloosha iyo feeraha.

Dhaawaca nabadoonka ayaa la sheegayaa in ay geysteen kooxo ku hubeysnaa bastoolado oo nabadoonka jidka u galay xili uu ku sii jeeday hoyga uu ka degan yahay magaalada Bosaaso.

Weerarka lagu qaaday nabadoon Cabdullahi Cali Sugulle ayaa ka dhacay aaga afar Irdood.

Dhaawaca nabadoonka ayaa la geeyey mdi ah ka mid ah xarumaha caafimaadka, oo xaaladiisa caafimaad lagula tacaalayo.

Amniga magaalada Bosaaso ayaa ka duwan sidii hore ee looga bartay, waxaana isa soo taraya dilalka qorsheysan ee ka dhacaya magaalada .

Diiwaanka wararka.
Radio Daljir.


Posted

in

by

Tags:

Comments

One response to “Nabadoon lagu dhaawacay magaalada Boosaaso”

  1. Saleban

    daljirwaa idaa cad wanaagsan

U Jawaab Saleban Buri halceliska

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com