HomeUncategorized

RW Cumar,*Xukuumaddaydu waxay iska xilsaari doontaa horumarinta dekedaha*.

Boosaaso, Sep 30 2016--Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke oo maalmahan socdaal shaqo ku marayay deegaano ka tirsan Puntland ayaa shalay kormeer howlleed ku tagay Madaarka iyo Dekadda Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland.

DHAGAYSO: Barnaamijkii Caawa iyo Daljir iyo Jama Abdurahman
Liiskii Odoyaasha 135 ee saxda ahaa oo si sharci-darro ah loogu kordhiyay Oday 136aad
Xaalada magaalada Muqdisho oo maanta deggan & Khasaarihii dagaaladii ugu danbeeyey oo sii kordhaya.

Boosaaso, Sep 30 2016–Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke oo maalmahan socdaal shaqo ku marayay deegaano ka tirsan Puntland ayaa shalay kormeer howlleed ku tagay Madaarka iyo Dekadda Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdiga la socdey ayaa markii ay booqdeen goobahaan waxaa hanaanka shaqo uga warbixiyay hawl-wadeenada Dekadda iyo Garoonka oo sharaxay hanaanka shaqo iyo isbadalada ay ku tilaabsadeen si kor loogu qaado wax-soosaarka illaha dhaqaalaha dalka. Dhanka kalana waxay uga warbixiyeen baahida ay dekeddu u qabto dib-u-habayn iyo casriyeeyn lagu sameeyo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa uu sheegay in ay dawladdu iska xil saarayso horumarinta dekedaha dalka, iyo sidii shaqadooda loo si laba jibaari lahaa, lona heli laha dakaddo kale dalka ka saacida in dhoofku kobco. Waxaana uu dhanka kale uga mahad naqay mamulka iyo shaqalaha sida wanagsan ee ay howshooda u guteen, asagoo farta ku fiiqay in uu jiro kor u kac dhanka lacagaha ka soo xarooda dakadda Boosaaso iyo Madaarka Cusub ee dhawaan la sameeyey kaas oo loo dhisay qaab casri ah.

“Dhawaan waxaan ku rajo weynahay inaan suurto galino in hawlaha dekadddu si weyn u kobcaan. Waana muhiim in la casriyeeyo dekadda”ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Cumar.

Ka hor booqashada uu ku tagey Boosaaso wuxuu Ra’iisul Wasaarahu tagey magalooyinka Garowe iyo Qardho halkaasi oo kulamo kala duwan kula yeeshay madaxda, dhaqanka iyo qeybaha bulshada Puntland.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: