Dhagayso Fu’aad Ciijiyen: Waxaan taageersanahay hishiiskii Garowe ee lagu xalliyay arrintii Gallan

UK, Sept, 30 – 2016 – Guddoomiyaha jaaliyada Puntland ee dalka UK, Fu’aad Ismaaciil Maxamed (Fu’aad Ciijiye) oo waraysi siiyay Radio Daljir ayaa soo dhaweeyay hishiis hor-dhac ah oo laga gaaray tabashadii Guddoomiye Gallan, kaasi oo ka dhacay magaalada Garowe.

Mudane Fu’aad, waxaa uu sheegay in is afgaradkaasi uu yahay hishiis taariikhi ah, wajiga labaad ee lagu soo afjarayo khilaafka u dhaxeeya Madaxwaynaha Puntland C/wali Gaas iyo Hoggaamiye Gallanna uu ka dhici-doona dhawaan degmada Carmo ee gobolka Barri.

Mar la waydiiyay Jaaliyada UK iyo doorka ay ka qaadato hormarinta dalka ayuu Guddoomiye Fu’aad waxaa uu ku jawaabay “Dadaallo badan baan walaal samaynay, waxaana ka mid ah in aan gacan-wayn siinay hay’ad lagu magacaabo Nuur Foundation oo dhistay 5 iskuul oo wax lagu baro carruurta danyarta ah, iskuulladaasi oo ah bilaash waxaan soo wadnay tan iyo 2009, sidoo kale waxaan hadda ku how-lannahay dayactirka iyo hirgalinta Cisbitalka Guud ee degmada Qandala, iyo qorshaha dhisma Ciidamada Puntland, fikradaasi oo kasoo maaxatay walaalkay Warsame, lana wadaagnay Talyaha Guud ee ciidamada Puntland General Siciid Dheere”

Guddoomiyaha Jaaliyadda UK ee Puntland ayaa sheegay in ay sidoo kale Jubbaland ka taageereen hormarinta isboortiga, waxaana uu hadalkiisa raaciyay in Soomaaliya ay u baahan-tahay nabad, ummaddana waajib ay ku tahay in ay ka wadashaqayeen xasiloonnidooda.

Diiwaanka Wararka

Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com