HomeUncategorized

DHEGEYSO-Diyaaradaha Maraykanka oo duqeeyey qaybo kamid ah G Gedo.

Kismaayo, Sep 19 2016-Diyaaradaha Kenya ayaa Duqeyn ka geystay Degaanka Dhamase oo hoostaga Degmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo. Goob joogayaal ayaa inoo sheegay in Duqeynta Diyaaradaha Kenya ay ku dhinteen illaa 5 Qof halka ay ku dhaawacmeen 8 kale oo dhamaantood Shacab ah sida ay hadalka u dhigeen.

Baahin: Salaasa, Mar 13, Maxamed C. Kooshin ~ Daljir ~ Garowe. Gaagaab oo sharci darro ku tilmaamay ergada 480-ka ee ansixinaysa dastuurka Puntland, ugana digay M/weyne Faroole xilli kororsi; Khaatumo oo beenisay in dawlada federaalku ay aqoonsiga kaala laabatay; AMISOM oo sheegtay in ay Al-shabaab ka xorayn doonaan Somaliya oo dhan; Wasaarada qorshaynta ee Puntland oo soo bandhigtay waxqabadka Puntland ee sannadahan dambe.
Haweenka Puntland oo walaac ka muujiyay ka qayb-galka doorashooyinka golayaasha deegaanka Puntland.
Afhayeenka baarlamaanka Somaliya oo dhelleeceeyey qarax lagu dilay 4 ka mid ah wasiirada dawlada.

Kismaayo, Sep 19 2016-Diyaaradaha Kenya ayaa Duqeyn ka geystay Degaanka Dhamase oo hoostaga Degmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo.  Goob joogayaal ayaa inoo sheegay in Duqeynta Diyaaradaha Kenya ay ku dhinteen illaa 5 Qof halka ay ku dhaawacmeen 8 kale oo dhamaantood Shacab ah sida ay hadalka u dhigeen.  

Hayeeshee Saraakiisha Ciidanka Dowladda Somaliya ee Gobolka Gedo waxay sheegeen in Diyaaradaha Kenya ay beegsadeen Fariisomo alshabaab ay daganaayeen laguna gubay Gaadiid Dagaal.  Sidoo kale waxay sheegeen in meelaha la duqeeyay ay ka mid yihiin goobo shacab ay daganaayeen arintaasina ay aad ucambaareeynayaa.  

Hadaba duqaymahaasi iyo faahfaahintooda waxaa Radio Daljir uga waramay Taliyaha Qaybta Boliska Gobolka Gedo Gaashaanle Sare Maxamuud Cali Axmed, waxaana uu uwaramay Cumar Laki Man.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: