Haweenka Puntland oo walaac ka muujiyay ka qayb-galka doorashooyinka golayaasha deegaanka Puntland.

?

Garowe, May, 13, 2013 – Qaar ka mid ah haweenka ku dhaqan degaannada Puntland oo kulan ku yeeshay magaalada Garowe ayaa bayaan ay soo saareen waxay ku dalbadeen in laga qeybegeliyo kaalinta ay ku leeyihiin doorashooyinka golayaasha degaanka ee la filayo inay dhawaan ka dhacaan deegaannada Putland.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay wasaarada haweenka iyo arrimaha qoyska Puntland oo ay ka qeyb-galleen qaar ka mid ah haweenka ku dhaqan degaannada iyo degmooyinka Puntland ayaa waxaa lagu sheegay inuu ahaa mid lagu lafa gurayay sidii ay haweenka u heli lahaayeen kaalinta ay ku leeyihiin ka dhex muuqashada ku aadan xubnaha golayaasha degaanka ka dib doorashooyika soo socda.

Shirkan ayaa waxaa qabashada Wasaarada Haweenka Puntland gacan ka siinayay Hay?ada dhanka Mashaariicds iyo Hormarinta u qaabilsan QM ee UNDP iyadoo ay goobta shirka ee PDRC ku sugnaayeen quburo ka socday Hay?adaasi.?

Bayaan ka soo baxay shirkan oo muhiimadiisu ahayd ?baaq ay haweenka u dirayeen xubnaha guddiga ku meel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland ayaa waxaa saxaafadda u aqrisay agaasimaha xiriirka gobollada ee wasaarada haweenka Puntland Luul Jaamac Nuur.

?Nuxuka Muhiimada Bayaanka haweenka soo saareen ayaa waxaa ugu waa weynaa sidii ay xubnaha ugu horeeya uga mid noqon lahaayeen golaha degaanka Puntland ka dib doorashooyinka soo socda.

Wasiirka Wasaaradaasi Xaliima Xasan Xaaji ayaa gunaanudka shirkan ka dib baaq u jeediyay guud ahaan haweenkii ka qeybgalay shirkan lagu soo gaba gabeeyay galabta magaalada Garowe in ay isku dayaan sidii ay kaga dhex muuqan lahaayeen? xubnaha golayaasha degaanka,

Wasiirka oo jeedisay khudbad dheer oo dhinacyo badan taabaneysay ayaa waxay diirada saadhay in wasaaradeedu ay diyaar u tahay sidii ay hawenka rer Puntland uga caawini lahayd sidii ay ugu soo bixi lahaayeen doorashooyinka golayaasha degaanka ee soo socda.

Si kastaba ha?ahaatee shirkan oo ay ka qeybgaleen haweenka reer Puntland qaar-kood ee ku aadan in ay helaan qoondadooda ahayd ka dhex muuqashada xubnaha goleyaasha deegaanka ayaa waxaa uu imaanayaa iyadoo 30 bisha june la filaayo in degaannada Puntland ka bilowdaan doorashooyinka goleyaasha deegaanka markii ugu horeysay taariiqda Puntland.

Maxamed C/llaahi Cali ?Kooshin?

Radio Daljir.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com