Wacaal Darey ah: Guddoomiyihii hore ee gobolka Bari oo gurigiisa la weeraray

Wacaal Darey ah:  Guddoomiyihii hore ee gobolka Bari oo gurigiisa la weeraray

Koox hubaysan ayaa goor dhawayd oo caawa ah Bam-Gacmeed ku tuuray Guriga guddoomiyihii hore ee gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacay oo ku yaala xaafada Laanta-hawada.

kooxdii weerarka fulisay ayaa isaga baxsatay goobta, waxaana jugta qaraxa laga maqlay qaar kamid ah xaafadaha magaalada Boosaaso.

lama oga ilaa iyo haatan khasaaraha Bam Gacmeedka ka dhashay iyo in uu joogay Guriga guddoomiyihii hore xiliga uu falkan dhacayay.

Mid kamid ah askarta ilaaldada guriga gudoomiyihii hore  oo ayaa ku dhaawacmay weerarka.

Ciidamada amniga ee gobolka Bari ayaa goobta soo gaaray, kuwaas oo xiray waddooyinka soo gala xaafada uu daganaa guddoomiyihii hore ee gobolka Bari oo haatan ah Wasiir dowlaha wasaarada dekedaha iyo gaadiidka badda Puntland.

Diiwaanka wararka.

Radio Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com