Wacaal Darey ah: Baarlamaanka dalka Turkiga oo ansixiyay in ciidamo loo diro dalka liibya

Wacaal Darey ah: Baarlamaanka dalka Turkiga oo ansixiyay in ciidamo loo diro dalka liibya

Golaha Baarlamanka dalka Turkiga ayaa dood kulu ka yeeshay Qaraar ah in xukuumadda Ankara ciidamo u dirto dalka Liibya, si loo taageero dowladda uu aqoonsa yahay Caalamka.

Dooda kadib waxaa u codeeyey Qaraarkaasi 184 Xildhibaan oo ka mid ah Baarlamamaanka dalka Turkiga.

Baarlamaanka dalka Turkiga ayaa ka kooban 325 Xildhibaan,waxa ayna Xildhibaanada ugu badan ay ka tirsan yihiin xisbiga AK Party ee uu hogaamiyo madaxweyne Tayyip Erdogan

Mustafa Sentop oo ah afhayeenka Baarlamaanka Turkiga ayaa sheegay in Turkiga taageero Milatari uu siinayo dalka Liibya, si looga hortago maleeshiyada uu hogaamiyo Khalifa Haftar.

Bishii Novermber ee sanadkii 2019 ayaa dowladaha Turkiga iyo Libya kala saxiixday heshiis dhinagaya xoojinta amniaga ee labada dal.

Diiwaanka wararka.
Radio Daljir.com.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com