Maxaabiis lagu dilay dalka Mexico

Maxaabiis lagu dilay dalka Mexico

Ugu yaraan 18 qof ayaa la dilay, halka la dhaawacay 5 qof, kadib markii uu dagaal ka dhacay gudaha xabsi ku yaala Waqooyiga dalka Mexica.

Dagaalka ayaa u dhexeeyey maxaabiista ku xiran mid ka mid ah xabsiyada dalka Mexico, waxa ayna isku adeegsadeen mindi iyo hub.

Madaxweynaha dalka Mexico Andres Manuel Lopez Obrador ayaa sheegay in ay ka xunyihiin waxa dhacay, isla markaana ay baarayaan cidda ka dambeysa dagaalk maxaabista, una fududeysay in ay helaan hub.

Sanadkii 2017 ayaa waxaa dagaal xoogan uu ku dhexmaray maxaabiis ku xirnayd dalka Mexico, waxaana ku geeriyooday dagaalkaasi 28 maxbuus.

Diiwaanka wararka.

Radio Daljir.com.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com